DAAWO SAWIRRADA: -Madaxweynaha Jubbaland oo furay garoon Casri ah oo Kismaayo laga hirgeliyay

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta oo Arbaco ah si rasmi ah u furay garoonka kubada Cagta ee Waamo kaas oo dib u dhis heer sare ah lagu sameeyay isla markana la dhigay rooga macmalka ah.

Madaxweynaha oo uu dhinac taagan yahay Madaxweyne ku xigeenka koobad ayaa sidoo kale furay Ciyaartii u horaysay oo lagu ciyaaro garoonka Waamo oo roog uu yaalo taas oo muujinaysa sida dar darta leh ay ku socdaan adeegyada dhinaca Hormarka ee Dowladu ay Kismaayo ka wado.
Ciyaarta ugu horaysay ayaa waxaa ay dhex martay Ciyaartoyda Xulka Kubada Cagta Jubbaland iyo kooxda heerka koobad ee Koman.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay muujinayso talaabadan sida ay Dowlada ay uga go’an tahay hormarinta Adeegyada Bulshada waxaana uu hoosta ka xariiqay in garoonka Waamo uu dhawaan marti galinayo Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay soo celinayso Tariikhdi dhinaca Ispoortiga ee Gobolku uu lahaa taas oo indhawaale dadaal ay Dowladu galinaysay.

Xulka Jubbaland iyo Kooxaha heerka koobad ayuu Madaxweynahu sheegay in tababaro loogu qaadi doono Dalka dibadiisa si loo dhiso Muruqa iyo Maskaxdooda ayna awood ugu yeeshan Ciyaaraha Dalka oo dhan.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ispoortiga ayuu ku amaanay dadaalkii ay hawshan u gashay isagoo sheegay in Ciyaaraha kala duwan ee deeganka lasoo noolayn doono.

Hoos ka Daawo Sawirada:-