XOG WARAN:- Muxuu ka dhigan yahay hadalkii Gabre uu eedeynta ugu soo jeediyey Farmaajo?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa siyaasad xir xiran kula dhaqmay dowladda Itoobiya iyo saraakiisha ciidamada ka joogo Soomalaiya.

Haddaba arrintaas ayaa keentay inuu General Gabre eedeyn weyn usoo jeediyey Farmaajo kadib markii uu sheegay inuusan si fiican ula shaqeeneyn.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dalak Ethiopia General Gabre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed CabdulahI Farmaajo inuu xushmeyn waayay ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalkq Soomaaliya, taasina aysan aheyn waxyaabo keeni karo xiriir wanaag.

General ayaa bartiisa Twitterka waxa uu kusoo qoray in Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullahi Farmaajo uu xushmeyn waayay ciidamada Ethiopia eek u sugan magaalada Baydhabo ayagoo qeyb ka ah hawlgalka Midawga Africa ee AMISOM.

“Madaxweynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo”ayaa lagu qoray barta twitterka ee Gabre, waxayna arrintaas kusoo aaday xilli uu dhawaan Farmaajo diiday inuu salaam sharaf ka qaato CIidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

 

Hadalka kasoo yeeray Generaal Gabre ayaa muujinayo inuusan xiriir fiican ka dhaxeeyo dowladda Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, waxayna arrintaas bilaabatay tan iyo markii uu Farmaajo la wareegay talada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo horjeestay siyaasadda ay dowladda Itoobiya kula dhaqmi jirtay madaxdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay faragelinta ka dhaafto Soomaaliya.

arrinta ugu weyn oo ay dowladda Itoobiya ka xanaaqday ayaa ah hadalkii iyo go’aankii uu Farmaajo ku gaaray in dib loo dhiso ciidamada qaranka Soomaaliya si looga maarmo ciidamada Shisheeye ee ku sugan Soomaaliya, waxayna Itoobiya waligeed kasoo horjeeday inay aragto Ciidamada Soomaaliya oo kusoo laabtay sidii ay markii hore ahaan jireen.

Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo burbkii dowladdii Itoobiya majaxaabineyso siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya, waxayna markaan dareentay inuu dalka la wareegay madaxweyne aan ku shaqeeneyn fakarkooda iyo waxa ay rabaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Gabre ayaa dab kusii shidi doono xiriirka labada dowladood, waxayna dowladda Itoobiya dhawaan waday qorsho ay ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada aan kamidka aheyn howgalka Midowga Africa ee AMISOM.