TOP DHAGEYSO:- Duqeyn lala Beegsaday Ciidamo Mareykan, AMSIOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha Bali-doogle ee gobolka Shabeeladda Hoose.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday ciidamo Mareykan ah iyo kuwa katirsan Amisom iyo dowladda Soomaaliya waxaana ay kooxda Shabaab sheegteen iney dileen asar ajaanib ah.

Idaacada ku hadasha Afka Kooxda Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedkii ay ka lahaayeen weerarkaas uu guuleystay.

Laakiin Col Caaye Calasow oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka guutada lixaad ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in kaliya sedex madfac ay ku dhaceen garoonka.

Waxaa uu beeniyay In qasaaro uu kasoo gaaray weerarkaas ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan iyo kuwa dowladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO