DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Jubbaland oo maanta booqday furumaha dagaalka ee deegaanka Cabdalla Biroole

0

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Milatariga maamulkaasi ayaa booqday furumaha dagaalka ee Cabdalla Biroole oo ku yaala duleedka Magaalada xeebta ah kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Al-shabaab iyo Ciidamada maamulka Jubbaland oo ay Wehliyaan Ciidanka AMISOM waaana deegaan ay Al-shabaab mar kasta ay kusoo wareeeraan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Axmed Madoobe oo gashan Tuutaha Ciidanka ayaa deegaankaasi u tagay dar-dargilinta dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo la filaayo in uu ka bilaawdo deegaanada Maamulkaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-