Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay keeni doonto qorshe lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada Muqdisho.
Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin Amni xumida Muqdisho ,islamarkaana uu socdo qorshihii xaqiijinta Amni Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu xusay in maamulka gobolka Banaadir laga doonaayo in ay kaalintooda ka qaataan Xaqiijinta Amniga Caasimadda.
Dhankale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan in ay isku gurmadaan.
Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO