DHAGEYSO:- Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi oo xoogeysatay

0

Dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay jawaab adag ay ka bixiso daandaansiga dowladda Mareykanka.

Khilaafka labada dal ayaa yimid kaddib markii dowlada K/waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal taasi oo ka careysiisay dalal ay kamid yihiin Japan iyo Mareykanka.

Shiinaha ayaa ka digay dagaal ka dhex qarxa dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada waqooy.

Wasiirka arrimhaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dagaalka aysan cidna ku guuleysaneynin.

Wasiir ku xigeenka arrimha dibada ee Kuuriyadda Waqooyi  Mr Han Song-ryol ayaa isna dhankiisa sheegay in uu rumesanyahay in Madaxweynaha Mareykanka uu wado qorshe uu ku burburinayo dalkiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-