DHAGEYSO:- Ciidamada Galmudug oo Howlgalo Culus Wada iyo Burcad badeeda oo..

0

Ciidamada Ilaalada xeebaha Galmudug Oo Kaashanaya Kuwa Nabadsugida iyo Booliska ayaa ku guuleystay in ay soo bad baadiyaan  ilaa 10 shaqaale ajaanib ah iyo Dooni ay wateen.

Shaqaalahan ay ciidamadu soo furteen ayaa la socday dooni laga leeyahay Dalka India Taa oo ka soo Shiraacatay Magaalada dubai 2todobaad ka hor iyadoo ku sii jeeday Magaalada Kismaayo ,waxaana ka Afduubtay xeebaha u dhexeeya Degmooyinka Hobyo Iyo Ceelhuur Koox Burcadbadeeda kuwaa oo Kolkii Danbe Shaqaalihii la aaday Miyiga Degmada Hobyo ,   Intaasi kadib waxaa Howlgal qorshaysan qaaday Ciidamada Ilaalada Xeebaha galmudug oo Doonaya in ay Soo furtaan Shaqaalaha waxayna Gacan ka Helayeen Ciidamada Nabadsugida Iyo Booliska.

Hoos ka Dhageyso Codka:-