Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa xalay waxaa lagu dilay Nin oday ahaa.
Dilkan oo si gaar ah uga dhacay xaafada Mursal ee Magaalada Badhabo ayaa la sheegay in ay geysteen Rag Bastoolado ku hubeysan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jira Xaaji Cabdi, waxaana Dadka degaanka, ay xaqiijiyeen in Odaygaasi la weeraray, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa oo aan sidaasi uga fogayn goobta lagu dilay.
Dadka degaanka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Dableyda ay marxuumka dhawr xabadood kaga dhufteen madaxa, islamarkaana ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen.
Allaha u naxariistee Xaaji Cabdi, ayaa ka tirsanaa Ergadii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka ku soo dooratay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.