Maxkamada ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa saaka oo Khamiis ah waxa ay xukuno ku riday laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay iyaga oo wada gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay cadeymo dhawr ah oo maxkamada la hor keenay kadib in maxkamada ay u cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambigii lagu soo oogay.
“Maxamed Cali Kadiye ina Nuuro Wehliye 32-jir ah ku dhashay Galgaduud Xuseen Xaashi C/laahi ina Maryan Max’ed 27-jir ah ku dhashay Galgaduud, kuwaas oo xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeysay Dembiga ah ka mid noqosho Urur hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) kadib markii ay ka mid noqdeen Ururka Al-Shabaab,islamarkaana ay ciidamada amnigu ka soo qabteen Deegaanka Godinlabe Tr. 19/03/2017, iyagoo gaari Hoomey ah ku wado labo jiirigaan iyo jawaano laga soo buuxiyay Walxaha Qarxo iyo 12-taleefano oo lagu soo xiray fiyuusyadii loo adeegsan lahaa qaraxyada, kuwaas oo ay ugu tala galeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deggan Degmada Cadaado , Dembigaas oo ku Xusan Aayadaha 33, 45aad Suuratul Maa,iidah iyo Qod.221 XCS oo lala Aqriyo Qod.1aad XCCQS.”
Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay xukunka labadan ruux inuu noqday min toban sano oo xabsi ciidan ah, qofkii aanan ku qanacsaneyna uu racfaan ka qaadan karo xukunkaasi.
Raggaan maanta ay xukuntay maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa horay waxaa gacanta ugu soo dhigay ciidamada Galmudug, kadibna u soo gudbiyay maxkamada Ciidamada Qalabka sida Darajada Koowaad ee Dowladda Federalka Somaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka, ka Daawo Sawirada:-