Al-Shabaab oo sheegtay in ay Dileen Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM

0

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegay in Tuulada Buulasheekh ee Gobolka Shabellaha Hoose oo hoostagta Degmada Qoryooley ay ku dileen Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

War lagu Faafiyay Baraha Wararka ay ku faafiyaan Shabaab ayaa lagu sheegay in ay Buula-sheekh ku dileen Labo Askari oo Uganda u dhalatay islamarkaana ay ku dhaawaceen illaa 6 kale.

AMISOM weli wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Sheegashada Shabaab ee ah in ay dileen Ciidamo ka mida Howlgalka AMISOM.