Wasiiru Dowlihii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in awooda Baarlamaanka aysan dhaafsaneyn gobolka Banaadir.
Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxa Baarlamaanka Soomaaliya uusan ka dhaqan galeyn gobolada kale ee dalka.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la muujiyo awooda baarlamaanka iyo doorka uu ku leeyahay Hay’addaha dowladda.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada aysan sharaf u ahayn in ay ku egaadaan oo keliya gobolka Banaadir.
Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo Xuquuqda gobolka Banaadir si la mid ah Xuquuqaha ay leeyihiin gobolada dalka.
Waxa uu sheegay in Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan dhaqan gelinta nidaamka Federaalka.
HALKAAN KA DHAGEYSO