Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa lasoo baxay firfircooni ka duwan tan Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tan iyo markii xilka loo dhiibay qaaday talaabooyin aad usoo jiitay bulshada Soomaaliyeed waxaana kamid ahaa ka danqashada Cabashooyinka shacabka iyo u kuurgalida Xarumaha ay ku sugan yihiin Bukaanada iyo Ciidamada Qaranka.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Khudbooyinkiisa ku xaqiijiya in Xukuumada Somalia aysan ka weecan doonin waxyaabaha aasaasiga u ah Shacabka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in talaabo waliba uu marka hore kala tashto qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Waxyaabaha uu Ra’isul wasaare Kheyre kaga duwan yahay Ra’isul wasaarihii ka horeeyay ayaa waxaa kamid ah:
1-Dhexgalka Bulshada qeybahooda kala duwan
2-Siyaasad qoto dheer oo ka muuqaal duwan Siyaasadii uu daadihin jiray Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid.
3-Isbarbar dhiga Howsha uu qabanaayo iyo Guulaha uga imaankara Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
4-Dhexgalka iyo la shaqeynta Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay inuu ka duwanaan doono Ra’isul wasaarayaasha ka horeeyay waxa uuna mar waliba ku celcelshaa inaanu ku socon doonin wixii aanu aheyn rabitaanka shacabka.
RA’ISUL WASAARIHII HORE EE SOMALIA CUMAR C/RASHIID
Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa inta badan lagu sifeyn jiray inuu ahaa Mas’uul ka xirxiran dhanka Shacabka uu xilka u hayo, waxa uuna dhanka kale ahaa mid aamusnaan badan oo aan laheyn talaabooyin cadcad.
1-Cumar C/rashiid ma uusan booqan jirin shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala kulma Maleeshiyaadka Al-shabaab.
2-Ma uusan ka hadli jirin Howlaha horyaal Xukuumada iyo Guulaha ay hiigsaneyso.
3-Ma uusan u kuurgali jirin Xaaladaha dalka gaar ahaan Howlaha Ciidamada iyo Xaalada ay ku shaqeeyan Shaqaalaha Dowlada.
4-Cumar C/rashiid waxa uu inta badan ku mashquuli jiray Keliya howlaha la xiriira Xukuumada sida Kulamada Wasiirada iyo wixii la halmaala.
Dowlada Somalia ayaa waxaa xilal kala duwan kasoo qabtay Mas’uuliyiin dhowr ah, kuwaa oo ku kala duwanaa Howlaha ay u hayaan Qaranka, waxaana xusid mudan in xiliyada qaar kuwa aan Khibrada laheyn ka howl badan yihiin kuwa ku cusub Siyaasada.