Galmudug oo baadigoobaysa Ajaanib la Afduubtay

0

Sida ay sheegeen dadka degaanka Ciidamada Galmudug ee ku sugan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa Saaka wadda Howlgal ay ku doonayaan in ay kusoo Furtaan 8 qof oo saarnaa dooni Ganacsi oo ay Afduubteen Kooxaha Burcadbadeeda.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay Saaka isku gadaamay meelo ay ku tuhmaayaan in lagu haysto Ajaanibtaasi.

Qof ka mid ah dadka degaanka sheegay in dhul Masaafo badan u jira Hobyo ay Kooxaha Burcadbadeeda ula carareen dadkii ay Afduubteen.

Shalay ayaa Ciidamada Badda Galmudug ay xoog kusoo furteen Dooni Ganacsi iyo labo qof oo Kooxaha Burcadbadeeda ay u heysteen Afduub ahaan.

Gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa wacad ku maray in Kooxaha Burcadbadeeda laga ciribtiraayo xeebaha degmada Hobyo.