AKHRISO:- Farmaajo oo Warqad loo soo diray iyo QM oo beenisay in Hawada Soomaaliya lagu wareejinayo wadamada deriska

0

Madaxweynaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada Dr. Olmuyiwa Benard Aliu ayaa waxa uu beeniyay warar sheegaya in Maamulka Hwada Soomaaliya lagu wareejinayo wadamada deriska ah.

Dr. Olmuyiwa Madaxweynaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin qorshe hawada Soomaaliya lagu wareejinayo.

Sideedii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa soo baxayay warar been abuur ah oo sheegayay in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejinayo wadamada Kenya, Itoobiya iyo Hindiya, waxaana uu sheegay in aanu xaqiijin karin.

Dr. Olmuyiwa ayaa warqad uu xaalada ugu sharaxayo waxa uu u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).