Qarax aad u xooggan oo Ismiidaamin ah ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay nawaaxiga wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Gaari nooca raaxada ah ayaa isku qarxiyey sida la sheegay gaari ciidan oo halkaasi marayey, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Taliye sare uu saarnaa gaariga.
Khasaaraha inta uu la egyahay lama sheegi karo, xaaladda waa ay kacsan tahay, waxaana la maqlayaa rasaas culus oo ka dhacaysa halka qaraxa uu ka dhacay.