Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa doonaya in xil cusub uu u dhiibo taliyahii hore ee ciidamada Asluubta Bashiir Goobe oo shaqo muhiim ah qabtay.
Farmaajo ayaa doonaya in uu aas aaso hay’adda dhaqan celinta maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana la doonayaa in madax looga dhigo Bashiir Goobe, waxaana sidoo kale warar kale ay sheegayaan in la doonayo in xil looga dhiibo amniga gobolka Banaadir.
Bashiir Goobe oo si hoose loogala tashaday xil ka qaadistiisa ayaa hadane waxaa jirta in shacabka iyo madaxda DF qaarkood aysan raali ka noqon in shaqsigan xilka laga xayuubiyo.
Bashiir ayaa isbedal aan horey loo arag loona maqal ka hirgeliyey xabsiga dhexe ee dalka, wuxuuna sameeyey sariiro ay ku seexdaan maxaabiista, raashiin ay cunaan, TV ay daawadaan iyo waxyaabo kale oo aad u muhiim ah.