Maxaadan ogeyn oo Maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya?..

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la qaadanaya Masuuliyiinta iyo Saraakiishii Xilalka laga xayuubiyay Saacadihii la soo dhaafay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaadan doonaa Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Cusub ee la Magacaabay.

Mudane Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii la doortay si weyn ay u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii dalka uu uga dhigi lahaa mid Amni iyo horumar la taaban karo ka jiro.