Kooxda Daacish oo khaarajisay 140 qof iyo Xaalad adag oo laga soo sheegayo Magaalada Mosil

0

Kooxda Daacish ayaa la sheegay in ay laysay dad badan oo ka cararayay dagaalka ka socda Magaalada Mosil ee dalka Ciraaq.

Dadka ay dishay Kooxda Daacish ayaa la sheegay in ay ka cararaayeen dagaalka ka socda Galbeedka Magaalada Mosil ,waxaana kooxdu ay dadka rabtay in ay ka dhigato ka baad sida ay sheegeen Qaar ka mid ah dadkii kasoo badbaaday.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Wakaalada Wararka  Reuters in ay heleen Meydadka dad ehelkooda ah oo Kooxda Daacish ay ku dishay Koronto.

” Falka halkaan ka dhacay waxaa uu ahaa mid Argagax badan , waayo waxaan helay Meydadka dadkii ay la hareen Kooxda Daacish markii aan ka baxaynay Galbeedka Magaalada oo si xun loo dilay” sidaas waxaa yiri Mid ka mid ah dadka degaanka oo aan magaciisa la shaacin.

Golaha Ammaanka ee Kurdiyiinta ayaa sheegay in Kooxda Daacish isniintii iyo Talaadadii ay dileen 140 qof.