Mas’uuliiyinta dowladda Ruushka ayaa sheegay in ay Maxkamad soo taagayaan 8 qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Qarax ka dhacay dalkaasi.
Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay aamisan yihiin in dadkaani yihiin kuwii Qaraxa ku weeraray goob tareenadda laga raaco oo ku taalla magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka.
Maxkamadda ayaa shalay ku dhawaaqay in Sideedaasi qof oo da’doodu u dhaxeyso 39 Sano jir ilaa iyo 20 Sano jir in looga Shakisan yahay in ay ka dambeeyeen Qaraxii Ruushka ka dhacay.
Madaxweynaha Ruushka ayaa wacad ku maray in uu la dagaalami doono Argagixisada, waxaana uu Amray in si deg deg ah dadkaasi Maxkamad loo soo taago.