TOP DHAGEYSO:- Farmaajo muxuu ka yiri Musuq maasuqa ?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Dowladdiisa in ay la xisaabtameyso Musuq maasuqa ka jira Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota Dowladdiisa in ay ka shaqeyneyso oo ahmiyad gaar ah ay siineyso la dagaalanka Musuq maasuqa, taas oo uu sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay hareeyeen Hay’adaha Dowladda.

Sidoo kale Waxa uu sheegay hadii lala dagaalamo Musuq maasuqa in ay suuragal tahay in dhaqaalaha dalka uu sare u soo kaco, Dhalinyaradana ay helayaan shaqo.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab iyo Musuq maasuqa in aysan waxba is dhaamin, loona baahan yahay in lala dagaalamo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya, si loo gaaro guulo hormar leh.

HALKAAN KA DHAGEYSO