XOG:- R/wasaare Xasan Kheyre oo go’doomin siyaasadeed ku bilaabay Madaxweyne Farmaajo Durbana amar ku taagleyn ku bilaabay Golaha wasiiradda, Maxaa ku dhacay Wasiirada Qaarkood?

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ee sida aadka ah ugu dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu go’doomin siyaasadeed saaray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuuna xubnaha Golaha wasiiradda si cad ugu sheegay wasiirkii u taga Madaxweynaha oo warbixin u geeyaa uu shaqadiisa wasiirnimo ku weyn doono.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Go’doominta Madaxweyne Farmaajo ay soo bilaabatay xiligii la magacaabayey Golaha Wasiiradda xiligaa oo Raysul wasaare Kheyre uu si kutala gal ah magacaabida golaha wasiiradda uga reebay xubno aad ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisa wasaare Xasan Kheyre ayaa shirarka Golaha wasiiradda la yimid xanaaq iyo amar ku taagleyn, ilaa hadda wasiiradda uu ku ihaaneystay shirka golaha wasiirada waxaa kamid ah Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyada oo hadlaysa uu aamus dhahay aadna uga xanaaqday, Wasiir Ibraahin Yarow oo inuu hadlo u diiday iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa oo taleefan usoo dhacay oo Raysul wasaaraha amray inuu banaanka u baxo markii uu taleefanka dhamaystayna loo diiday shirka inuu kusoo laabto.

Dhaqanka raysul wasaare Kheyre kula dhaqmayo golaha wasiiradda ayaa ah mid uu kasoo min guuriyey qaabkii amar ku taagleynta ahayd ee uu u maamuli jiray shaqaalihii hayadda NRC.

Dhinaca kale Raysul wasaare Kheyre ayaan fahamsaneyn in golaha wasiiradda lamid aheyn shaqaalaha hayadda NRC oo uu siduu rabo ka yeeli jiray maadaama wasiiradda yihiin siyaasiyiin metela Beelo soomaaliyeed.

Isku soo wada duuboo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo dhaqanka la soo baxay ayaa si aad ah looga dareemay shirkii Golaha Wasiirada toddobaadkii hore lamana oga waxaa uu la imaan doonta shirka Wasiirada maanta oo khamiis ah.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media