XOG:- Madaxweyne Farmaajo Oo Kulamo Kala Duwan La Qaadanaya Madaxda Hay'adaha Amaanka Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Qidad Cusub La Soo Baxay..

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kulamo kala duwan la qaadanaaya Hay’adaha amaanka Soomaaliya, xilli xaalad amni darro oo kasii dareysa ay ka jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweynaha uu Mas’uuliyiinta Hay’adaha ku canaananaayo falalka amni darro ee isugu jira Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mas’uuliyiinta Hay’adaha ku canaananaaya inay gutaan waajibaadkooda ama ay isaga degaan xilalka ay u hayaan Qaranka, waa haddii aysan wax ka bedeli karin Amniga magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka falaagada Al-shabaab ayaa geysanaaya Qaraxyo iyo dilal goortii uu Madaxweynaha dalka kulan amniga ah la qaato Hay’adaha amniga, taa oo ujeedkeeda lagu sheegay in Maleeshiyada ay ka jawaab celinayaan canaanta Farmaajo.

Falaagada Al Shabaab ayaa falalka ugu badan geysta xiliyada Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha ay ka hadlaan amniga magaalada Muqdisho iyo qaababka ay kula dagaalami doonaan Al-shabaab.

Dhinaca kale Weerarada Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo leysaga horgeynaayo Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha amaanka waxaana xaqiiq ah in inta badan Qaraxyada ay dhacaan xiliyada ay kulmaan Madxaweynaha iyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha amaanka.

Isku soo wada duuboo ujeedka ugu weyn ee Qaraxyada ayaa sidoo kale lagu micneeyay inay tahay in Madxaweynaha Somalia si dadban ay Maleeshiyada ugu cadaadineyso inuu isbedel ku sameeyo Taliyayaasha iyo Saraakiisha qaabilsan Hay’adaha amaanka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media