Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ku Wajahan Magaalada Cadaado

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta u amba baxayo Magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug.

Wasiirka iyo wafidigiisa ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Adde ee Muqdisho, iyadoo ay garoonka cadaado kusoo dhaweyn doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug.

Wasiirka ayaa halkaas la filayaa inuu ka furo kulan dhex dhexaadin ah oo dhexmarayo dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Galmudug si looga wadahadlo arrimaha ku aadan Doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneyso inay dib u dhigto doorashadaas si looga qeybgeliyo Ahlu Sunna Waljameeca oo awood buuxda ku leh qeybo badan oo ka tirsan Galgaduud, inkastoo guddiga doorashada iyo Baarlamaanka Galmudug ku adkeysanayaan inaysan dib u dhici karin doorashada oo ay u asteeyeen 10 Bishaa April oo ay ka dhiman tahay 4 berri.