DHAGEYSO:- Axmed Caalim oo Afka furtay, kana hadlay Arrimo Xasaasi ah oo Maamulka Galmudug la xiriira

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin ayaa sheegay 10-kii sano ee ugu dambeeyay in la raadinayay maamul lagu mideysan yahay oo ay yeeshaan Gobolada dhexe, wuxuuna tilmaamay in 8 qeybood la kala ahaa.

Waxa uu sheegay maanta in la dhisay Galmudug oo mid ah, isaga oo sidoo kale sheegay Dowladda Fdeeraalka in ay tahay Hooyada Maamul Goboleedyada, lana doonayo in lagu socda Dastuurka saxda ee Maamulka Galmudug.

Axmed Maxamed Caalin Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay Maamulka Galmudug in loo dhiso Madaxweyne shacabka wax u qabta, kana bixiya xaalada ay hada ku jirto.

Sidoo kale waxa uu sheegay muhiim in ay tahay Galmudug in laga daayo fara gelinta, loona bahan yahay shacabka in loo madax banaaneeyo Doorashada Madaxweynaha, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la dhameystirayo dib u heshiisiinta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-