Arrin Naxdin leh oo ka dhacday Gobolka Sh/Hoose iyo dad badan oo geeriyooday

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaara geystay oo ka dhacay Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Shabeelaha Hoose.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa haleelay Gaari Caasi ah oo marayay Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna u socday Magaalada Marko.

Inta la xaqiijiyay 20 Qof ayaa ku dhimatay Qaraxan halka uu ka badbaaday oo keliya Darawalkii waday Gaariga, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha caafimaadka ee gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen 20 Qof, keliya uu ka badbaaday Darawalkii, hadana ay socdaan baaritaano.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Risaala u sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira Qaraxan iyo raggii ka dambeeyay falkan naxdinta leh.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalada ku yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose, si xaaladooda caafimaad loo dabiibo.

Ilaa iyo hada lama oga cida ka dambeysay falkan lagu laayay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo cida qaadeysa Mas’uuliyada Qaraxan.