TOP DHAGEYSO:- Halkee laga soo geliyaa Magaalada Muqdisho Qaraxyada? Sir fakatay

0

Wasiirkii Hore ee Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/rasaaq Cumar Maxamed ayaa fashilay Sir badan oo ku aadan halka laga soo geliyo Magaalada Muqdisho qaraxyada iyo wax yaabaha Amniga lidiga ku ah.

Wasiirkii Hore ayaa tilaamay in Dekadda Magaalada Muqdisho ay tahay meelaha ugu badan ee laga soo geliyo Hubka iyo Walxaha qarxa islamarkaana ay dhowr jeer oo hore ay qabteen Kunteenaro ay ka buuxaan walxo qarxa.

Kunteenaradaas ayuu sheegay Wasiirki hore in ay u rarnaayeen Markii Baaritaan lagu sameeyay Ganacsato kuwaas oo Dekedda Magaalada Muqdisho ka soo dejiya Hubka iyo Qaraxyada isagoona wasiirka cusub kula dardaarmay in uu il gooni ah ku eego Dekedda.

Haddalka Wasiirkii Hore ee Amniga C/rasaaq Cumar Maxamed ayaa ku soo aadaya xili intii uu wasiirkan xilka hayey Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Weeraro iyo Qaraxyo ismiidaamin ah oo galaaftay Nolosha dad badan oo soomaaliyeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO