TOP DHAGEYSO:- Digniintii ugu xooganeyd oo ku socota Ciidamada Maamulka Jubbaland

0

Maamul Goboleedka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jira ayaa Ciidamada uga digay in ay dhibaateeyaan shacabka ku nool Degaanada Jubbaland.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Maxamed (Janan) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu fariin u diray Ciidamada, taas oo ah in aysan ku xad gudbin shacabka ku nool Degaanada Maamulka Jubbaland, loogana baahan yahay in ay ilaaliyaan xuquuqdooda.

Dhanka kale C/rashiid Maxamed (Janan) Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa sheegay Ciidanka Jubbaland hubka ay wataan keliya in ay kula dagaalamaan Shabaab, laakiin aysan aheyn in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Hadalka ka soo baxay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Maxamed (Janan) ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland uu Qof shacab ah ku dilay bartamaha Magaalada Kismaayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO