WARBIXIN:- Dakeddaha ugu muhiimsan dalka oo ay la wareegeen shirkado Shisheeye

0

Maamulka Afar marsadood oo Somaliya halbowle u ah waxaa si rasmi ah gacanta ugu dhigay Shirkado Shisheeye oo dhaqaalaha ka soo baxa dekadaasi qaata, sidoo kalena ka sameeya Dekaddaha wixii ay doonaan.

Dakaddaha Magaalooyinka waaweyn ee Somaliya sida Dakadda Magaalada Muqdisho, Dekadda Magaalada Kismaayo, Dekadda Magaalada Boosaaso iyo Dekadda Magaalada Berbara waxaa gacanta ku haya Shirkado shisheeye oo dowlado kala duwan ka socda.

Dakadda Muqdisho waxaa ka hawlgasha Shirkada lagu magacaabo Al-Bayrak oo dalka Turkiga laga leeyahay, taasi oo labo sano ka hor dowladda Federalka Somaliya ay ku wareejisay, waxaana Shirkadaasi heshiiska ay la gashay dowladda ay tahay mid sanado badan ku aadan, iyadoo qoondo ahaan qaadanaysa Shirkada Al-Bayrak Dhaqaalaha ka soo xarooda Dakadda Muqdisho.

Illaha Dhaqaalaha Somaliya meelaha ugu muhiimsan ayeey ka mid tahay dakadda, waxaana soo labeeya Garoonka Aadan Cadde oo ka mid ah meelaha dowladda ay ku tashato marka laga hadlaayo dakhliga gudaha ka soo gala dowladda Somaliya.

Sidoo kale dakadda Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Amisom, waxaa si rasmi ah dhaqaalaha uga soo xarooda dakaddaasi u qaata Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha ciidamada Kenya ee fadhigooda uu yahay Magaalada Kismaayo, maadaama Kenya ciidankooda ay sugaan ammaanka Dakadda Kismaayo.

Dakadda Magaalada Boosaaso oo iyadana ka mid ah dakadaaha ugu waaweyn ee dalka uu ku tiirsan yahay sidoo kalena dhaq dhaqaaq ganacsi oo fiican leh, waxaa si rasmi ah Puntland ay ugu wareejisay Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, waxaana heshiiskaasi saxiixay Madaxweyhnaha Puntland Maalmo ka hor.

Puntland ayaa u aragta in ahmiyad weyn uu u leeyahay heshiiska DP World ee Dakadda Magaalada Boosaaso, balse ma aysan eegin suuragalnimada dhibaatada ka imaan karta Dakadda oo lagu wareejiyo Shirkado Shisheeye.

Sidoo kale Dakadda Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil 1-dii Bishii la soo dhaafay ee March ayeey si rasmi ah ula waregtay Shirkada DP World.

Iyadoo maamulada ka jira dalka ay si rasmi ah ugu wareejiyeen dakaddaha muhiimka ah dalka, Shirkado shisheeye oo Qandaraaslayaal ah, ayeeysan eegin masuuliyiintaasi dhibaatada ka imaan karta.

Waxaan shaki ku jirin inuu meesha  ka baxay shaqadii ay qaban jireen muwaadiniin badan oo Somaliyed, maadaama shirkadaha lagu wareejiyay dekaddaha dalka ay la imaanayaan Shaqaalo u dhashay dalalkooda, taasina ay fududeynayso inay meesha ka baxaan shaqooyin badan oo ay qaban jireen muwaadiniin Somaliyed.

Ahmiyada ugu weyn ee salka ku haysa in Shirkado shisheeye lagu wareejiyo maamulka dekadaha dalka ayaa ah in Qarashaad ay ka qaataan Shirkadaasi Qandaraaska loogu wareejiyay dekadda, xilli lagu daboolaayo in shirkadda ay horumarinayso dhismaha dakadda lagu warejiyay.

Heshiisyada ku saleysay dakaddaha dalka oo sharci ahaan aanan aheyn mid sax ah, marka laga reebo midka ay saxiixdo dowladda Federalka Somaliya ayaa arinta waxa ay u muuqata in maamulada dalka ka jira ay isaga dayanayaan iyaga oo eegaya dhaqaalaha kaashka ah ee soo galaya.

Dakadda Magaalada Berbera anfacaada ka timaado oo dadka reer Somaliland ay ka helaan ka Sokow waxaa ku tiirsan dowladda Itoobiya oo shixnado kala duwan uga soo dagaan, maadaama Itoobiya aysan laheyn dakad iyo bad toona.

Aqoonyahanada Somalida ayaa ka digaya halista ka imaan karta heshiisyada lagu saxiixayo dekaddaha dalka in maamulkooda lagu wareejiyo shirkado Shisheeye oo heshiis ahaan loogu saxiixo sanado badan inay maamulaan.

Qore: Faysal Cabdullaahi