Safiirka dalka Itoobiya ujooga Soomaaliya Kamaaludiin Mustafa ayaa ka hadlay ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ee magaaladda Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.
Safiirka ayaa sheegay in ciidamada ka baxay Ceel-buur aysan markii hore katirsaneyn howlgalka Amisom laakiin ay Soomaalilya kusoo galeen heshiis dhexmaray dowlada Itoobiya iyo Soomaaliya, haatana uu howlgalkoodu soo dhamaaday.
Mar uu ka hadlayay in ka bixitaanka ciidamada Amisom ay saameyneyso howlgalka Amisom ayuu sheegay in qorshaha Itoobiya aysan aheyn in dhamaan ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya.
Safiirka ayaa tilmaamay in DF Soomaaliya ay awood uyeelan weysay iney la wareegto magaalada Ceel-Buur, sidoo kalana aysan magaaladaas ku nooleyn dad badan oo ay halkaas shacabkii ka barakaceen.
Waxaa la weydiiyay wararka sheegaya in ka bixitaankooda Soomaaliya ay siyaasadeeyaan oo ay ku doonayaan iney ku fashiliyaan dowlada Soomaaliya, laakiin waa uu beeniyay arintaas.
HALKAAN KA DHAGEYSO