DHAGEYSO:- Kornayl Cabaas "Taliyaha Ciidamada Itoobiya Ee Gobolka Gedo Gabre Yuhuud Qadyaan Ayaan Ka Joognaa Haddaa Nahay Ciidamada Dawladda Iyo Shacabka Baardheere"

0

Taliyaha ciidamada Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo , ahna Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka ee Gobolkaasi Cabaas Ibraahin Gurey, ayaa sheegay in dhibaato badan ciidamada Itoobiya ay ku hayaan shacabka iyo ciidamada ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Baardheere.

Taliyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Gedo ay u gudbiyeen dhibaatada ciidamada Itoobiya ay ku hayaan Shacabka.

Sidoo kale waxaa uu qiray in ay qaatiga ka taagan yihiin Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in ciidamada Itoobiya inaysan ixtiraam siinin shacabka iyo ciidanka Degmada Baardheere, islamarkaana Saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ku dhaqaaqaan wixii ay doonaan.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO