XOG:- Fahad Yaasiin Iyo Yuusuf Jaalle Oo Faro isku taag taag xun dhexmaray Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo..

0

Wararka naga soo gaaraya Sida ilo wareedyo ku sugan magaalada Muqdisho sida aadka ahna ugu dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in ay soo ifbaxayaan khilaaf u dhaxeeya ragga aadka ugu dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Khilaafkan ayaa salka ku haya cida noqoneysa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho oo noqday mid ka mid ah xilalka loogu doonista badan yahay.

Kulan habeen hore Xarunta Madaxtooyada ay kula lahaayeen Fahad Yaasiin oo ah nin aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo Yusuf Jaalle oo ahaa Madaxii ololihii doorashada Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday khilaaf iyo is mari waa.

Kulankan ayaa markii hore waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka mid ah Shanta Golaha Sare ee saaxibada Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee markii xaalada xumaatay, waxaa laga codsaday inuu dibadda uga baxo, si labada nin iyo Madaxweynaha uga xaajodaan arrintan.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu aad ugu dadaalayo sidii xilkan loogu magacaabi lahaa shaqsi kale, balse Yuusuf Jaalle uu ka soo horjeestay, iyadoo kulankan uu gaaray heer faro isku taag taag iyo buuq.

Kadib hadalo iska soo horjeeda oo dhex maray labada nin ayaa markii dambe madaxweynaha Farmaajo, wuxuu Labaduba ku amray in ay joojiyaan ka hadalka dooda ku saabsan Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa socday loolan ku aadan qofkii noqon lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan isa soo taraya, shaqsiyaadka halganka ugu jira xilkan.

Isku soo wada duuboo Khilaafkan soo kala dhax galay saaxiibada Madaxweyne Farmaajo ayaa keeni kara in Guddomiyaha Gobolka Banaadir uu Madaxweynaha u magacaabo cid aan aheyn shaqsiyaadka la hadal haayo ama loo sii daayo Guddoomiyaha xilka haatan haya muddo aan la cayimin.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media