Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa ka digay in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay awood ku dhexyeeshan Somalia, xilli dhowrkii sano la qafiifiyay awoodooda.
Michael Keating, ayaa Dowlada Somalia ugu baaqay in awoodeeda ay saarto la dagaalanka Al-shabaab waxa uuna tilmaamay in Nabadda Somalia ay ku jirto Al-shabaab oo la maja-xaabiyo.
Michael Keating, ayaa Dowlada kula taliyay in howsha ugu horeyso ay ka dhigto la dagaalanka Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay inay suuragal tahay in Maleeshiyado ay dib ula soo laabato awoodeeda, haddii ay dhacdo Habacsanaan dhanka Amaanka ah.
Hay’adaha amaanka Dowlada ayuu ku dhiiragaliyay inay fiiro dheer u yeeshaan qalqal galinta ay Maleeshiyada ku heyso amniga Somalia, waxa uuna ku baaqay in si wada jira ay u wada shaqeeyan Ciidamada Qaranka Somalia iyo kuwa AMISOM.
Michael Keating, waxa uu sidoo kale dhaliil ka muujiyay Hanaanka ay Hay’adaha amniga u xaqiijinayaan Amniga Magaalada Muqdisho iyo daafaheeda waxa uuna ka digay in la dhaliilsado Halista Al-Shabaab.