DHAGEYSO:- Taliska Booliiska Soomaaliya oo War ka soo saaray Afduubkii Wariye Hanad Cali Guuleed

0

Wariye Hanad Cali Guuleed oo shalay Koox aanan la garaneyn ay ka afduubteen duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa saakay isaga oo xir xiran waxaa laga helay beer ku dhex taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta ku soo wareejiyay Wariyaha Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana la geeyay xarunta Taliska Ciidanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo warbaahinta kula hadlay xarunta Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in wariyaha oo badqaba Maamulka Gobolka uu ka soo saaray beer ku dhextaala Afgooye.

Axmed Xasan Maalin Taliyaha Hoggaanka Howlaha Booliska ayaa sheegay kiiska Wariye Hanad in ay la socdeen tan iyo shalay, ayna baarayaan cidii ka dambeysay Afduubka wariyaha loo geystay.

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay afduubkaan loo gaystay Wariyaha, sidoo kalena lama oga cida shalay afduubatay ee haddana beerta Afgooye ku taal ku dhex tuurtay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-