DHAGEYSO:- Qoysas Abaarta ay saameysay oo Deeq la gaarsiiyay iyo noloshooda oo laga deyriyay

0

Ku dhowaad Kun Qoys oo ka mid ah kuwa ka soo barakacay Degaanada ay aadka u saameeyeen Abaaraha iyo Cudurka Shuban biyoodka ee ku nool Magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo qeybiyay Raashiin.

Hay’adda Qadar Charity oo ka mid ah Hay’adaha gar gaarka ka wada Degaanada Baay iyo Bakool ayaa Deeqdan Raashiinka ah qeybisay, iyada oo kaashaneysa Maamulka Degmada Baydhabo.

Deeqdan Raashiinka ah oo ay qeybisay Hay’adda Qadar Charity ayaa waxa ay isugu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Timir, Caano iyo Cuntooyin kale.

C/fataax Aadan Macalin oo ah Madax xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Qadar Charity oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay Deeqdana ay qeybiyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-