Barlamaanka Dalka Jarmalka ayaa Khamiistii Shalay ahayd meel mariyay qaraar muddo Sanad ah loogu kordhinayo tababarayaasha u dhashy Dalka Jarmalka ee jooga Soomaaliya.
Barlamaanka Dalka Jarmalka ayaa sidoo kale oggolaaday in 20 Askari oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga biiraan 11-ka Macallin ee u dhashay Dalka Jarmalka ee jooga Soomaaliya, kuwaasoo Tababar siiya Ciidanka xoogga Dalka.
Dowladda Jarmalka waxaa horey Soomaaliga uga Joogey 11 Askari oo tababarayaal ah, kuwaasoo qeyb ka ahaa tababarka Ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Barlamaanka Jarmalka ayaa Go’aankan lagu kordhiyay Waqtiga tababarayasha ku sababeeyay in xasillooni daro ka dhacda geeska Afrika ay qatar ku tahay Amniga Yurub.
Dowladda Jarmalka waxay sheegtey in tan iyo horraantii 2010-ka ay tababaraasha ka socda midowga Yurub leyliyeen ama ay tababareen 5400 Askari oo Soomaali ah, kuwaasoo dagaal kula jira Al-Shabaabka ka dagaalamaya Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-