TOP DHAGEYSO:- Gawaari la Afduubtay, Ciidamo si waali ah dadka u baaraya iyo Xiisad culus oo ka jirta Xadka Soomaaliya iyo Kenya

0

Wararka naga soo gaaraya xaduuda udhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya dhanka magaaladda Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in laga afduubtay gaadiid.

Afduubkan oo la rumeysan yahay iney geystaan dagaalyahano katirsan kooxda AlShabaab ayaa si gaar ah uga soo dhacay deegaanka Ceel-qaalow, waxaana gaariga lala aaday dhanka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo Col Cabaas Axmed Gurey ayaa xaqiijiyay in markii lasoo afduubtay gaarigaas ay ciidamo isugu jira kuwa dowlada iyo Kenya ay ku baxen oo ay haatan ku maqan yihiin.

Sargaalka ayaa sheegay in afduubkaas ay ka dambeeyeen dagaalyahanada kooxda AlShabaab oo doonaya in gaadiidkaas taargada Kenya leh ay ku geystaan weeraro.

AlShabaab ayaa marar badan gudaha ugalay KENYA iyagoo ka geystay afduubyo, dilal iyo weeraro toos ah oo dad badan lagu laayay.

HALKAAN KA DHAGEYSO