DEG DEG+DHAGEYSO:- Xiisad ka taagan Magaalada Kismaayo iyo Dil ka dhacay

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa sheegaya iney ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay dil uu askari katirsan ciidamada maamulkaas ugeystay nin muruq maal ahaa.

Dilkan ka dhacay Kismaayo ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa mid aad looga naxay isla markaana waxaa fakaday askarigii dilkaas geystay.

Holwgallo xoogan ayaa ka soconaya magaalada Kismaayo kaas oo lagu baadi goobayo ninkii ka dambeeyay dilkaas, sidoo kale howlgalkaas ayaa lagu sugayaa amaanka Kismaayo.

Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku badanayay falalka amaan xumada ah oo isugu jira kuwa ay geysanayaan ciidamada maamulka iyo kooxda AlShabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO