Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto muddada afarta sano ee soo socoto, waxaana uu baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan Golaha Wasiirada oo arrimahan fulin doono.
Kulanka Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Cabdinuur Muudeey ayaa waxaa soo xaadirtay 241 mudane, waxaana codka kalsoonida ah siiyay 224, 15 mudane waa ay diideen, waxaana ka aamustay labo mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdinuur Sheekh Muudeey.