WAR DEG DEG AH:- Golaha Wasiirada cusub oo la Dhaariyay+Akhriso Qaabka ay u dhaarteen

0

Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ay saareen ugu dhaarteen in danta dalka iyo diinta ay wax walba ka hormarin doonaan.

Gudoomiyaha maxkamada sare ayaa labo mar kala dhaariyay Wasiirada cusub ee halay codka kalsoonida barlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa ku yiri XIldhibaanada “Waxaad saartaan gacanta Masxafka (Kitaabka) qofkii aan cudur daar laheyn)

DHAARTII AY MAREEN WASIIRADA CUSUB ayaa aheyd: Waxaan ku dhaaraneynaa, Magaca Ilaahey, Inaan Xilkayaga Ugudaneyno si daacad ah, oo danta dalka dadka iyo diintu ku jirto, dhowrana dastuurka qaranka iyo sharuucda kale oo dalka uyaala”

Kadibna waxaa loo yeeray wasiiru dowlayaasha xukumada cusub oo iyagana dhaar taas lamid ah la mariyay halka wasiiro ku xigeenadana ay dhaartaas sidoo kale mareen.

Kulanka Barlamaanka ayaa lasoo gaba gabeynayaa iyadoo xildhibaanadii ugu badnaa ay maanta codka kalsoonida siiyeen wasiirada cusub.