TALO MUHIIM AH:- GUUL WADAYAASHII IYO NACAM LAYAASHII FASHILAYEY MADAXDII HORE OO DURBA BUUX DHAAFIYEY XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO IYAGOO LA TALIYEYAAL ISKA DHIGAYA.

0

Marka laga hadlayo hogaamiyeyaashii guulaystay ee caalamka soo marey Nabi Maxamed (SCW) ayaa wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu waynaa ee Abid dunida soo mara, waxaana guulaha hogaamintiisa Alle ka sakow qeyb weyn ku lahaa dadkii Alle ka cabsiga iyo iimaanka badnaa,dadkii caqliga u saaxiibka ahaa ee qiimaha badnaa ee uu mar kasta la tashan jirey kuwaas oo uu ku hubay in uu ka helayo talooyin nasteexo leh.

Dhinaca kalena sida taariikhdu ay werisay hogaamiyeyaasha kale ee caalamka soo marey ee xukunkoodu uu guulaystay waxaa had iyo jeer saldhig u ahaa baraaraha guulahaas waxa ay lahaayeen oo ku hareereysanaa dad la taliyeyaal aad u wanaagsan ah oo mar kasta hogaamiyaha kala shaqeeya sidii dalka iyo dadka loo horumarin lahaa meelna iska dhiga danahooda gaarka ah keliyana ka shaqeeya sidii ay u mira dhali laheyd danta guud ee ummadda.

Waxyaabaha lagu yaqaano la taliyeyaasha wanaagsan waxaa ka mid ah waa kuwa aragti dheer mar kasta waxa ay eegaan danta guud ee dalka iyo dadka waana kuwa garasho sareysa uu eebe ku galadeystay mana aha kuwa is muujiya oo faan badan.

Dulucda hadii aan u sii dhaadhaco waxaa la oran karaa hooga iyo halaaga ku dhacay dawladnimada soomaaliya waxyaabaha ugu waaweyn ee loo nisbayn karo guul darooyinka soo noq noqday waxaa ka mid ah madaxda xukunka isaga kala dambaysay inta ay kuraasida ku fadhiyeen waxaa mar kasta ku hareereysnaa dadka bulshada ugu liita ee aan Alle ka cabsiga laheyn, Munaafiqiin ah,ma xishoodayaal ah, Beenaalayaal ah,Jawaasiis Ajnabiga u ah,Wadaniyiin aan aheyn keliyana dantooda eegta kuwaas oo aakhirka talooyinkooda xun ay sababaan in madaxda ay ku danbeeyaan fashilaad iyo iyagoo la karhayo oo la habaarayo ay xukunka ka tagaan.

Waxaa hadaba jirta in rag aan ku aqaano Alle ka cabsi iyo wadaniyad oo ku sugan Madaxtooyada soomaaliya ayaa waxa ay ii sheegeen markii uu xilka madaxweyne ku guuleystay Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa durba isku hareereeyey Danaystayaashii iyo Guul wadayaashii Habaarka qabay kuwaas oo xitaa u diiday inuu nasto habeen iyo maalin dul taagan waxaana ragaas ay col la yihiin dadka wadaniyiinta ah ee lex jeclida ay ka hayso dalka diinta iyo dadka doonayana in madaxweynaha xukunkiisa uu guuleysto soomaaliyana ay kasoo kabato dhibaatooyinka faraha badan ee ay mudada dheer ku jirtey iyagoo wax dan gaar ah aan wadan ama aan lahyn.

Hadaba Mudane Madaxweyne Farmaajo inta damiirkoodu uu noolyahay ee wadaniyiinta soomaaliyeed ah waxa ay kula doonayaan in aadan soo dhaweysan oo aad albaabakana ka xirato kuwa iimaan laawayaalka ah ee aan xishoonin oo dan aan ka lahayn Diin,Dal iyo Dad waxa keliya ay doonayaana waa in ay ku fashilayaan kuwaas oo adiga hortaa si xun u fashilayey madaxdii kaa horeysay waxaadna taa bedelkeeda soo dhaweysataa dadka Alle ka cabsiga badan,wadaniyiin ah ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa kuna siin kara talo lagu guul gaari kara dantoodu ugu weyna ay tahay sidii soomaaliya ay u guuleysan laheyd adiguna ay kugu rumoobi laheyd riyadaada ah in aad noqoto hogaamiye guuleystay oo ummaddiisa u soo baxay waqti adag oo ay u baahnaayeen.

Ugu dambayntii Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo dadka caqliga u saaxiibka ah waxa ay yiraahdaan “ La tashiga dadka wanaagsan qofku wuxuu ugu baahi badan yahay wax kasta marka laga reebo hawada iyo biyaha”.

La tashigu waa dadka oo aad caqligooda daalisid adiguna faa’iida, sidoo kale waxa la yiraahdaa “afar indhood waxay arkaan iyo laba indhood isku aragti maaha”.

La tashiga waxa kugu jeclaada kuwa kaa ag dhow waxaadna ku gaartaa go’aan talo loo aayo dhala, sidoo kale la tashigu wuxuu kuu noqdaa “hiil iyo taageero oo marka aad ku dhaqantid tallo wadaaga”.

W/Q: Cabdullaahi Nuur Colombo