Ciidanka Itoobiya iyo Al-Shabaab oo dagaal Culus dhex maray iyo Khasaaro ka dhashay

0

Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusa-mareeb maanta waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Itoobiya iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa daba socday Dagaal xalay dhacay, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii Shabaab ay wadada u galeen Gaadiid Kolonyo ah oo ay wateen Ciidanka Itoobiya.

Dagaalkan xoogiisa ayaa maanta waxa uu ka dhacay Degaanka Oodweyne oo u dhaxeeya Degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dadka Degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay dhinacyada dagaalamay in ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan, sidoo kalena Dagaalka uu socday ku dhowaad Saacad.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa Risaala u sheegay Dagaalkan in uu ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aanan ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

Ciidanka Itoobiya ee weerarka xalay iyo maanta ku qabsaday Gobolka Galgaduud ayaa waxaa la sheegay in ay ku sii jeedeen Degmada Ceelbuur, si ay u bedelaan Ciidamo kale oo halkaasi ku sugan.

Al-sahabaab ayaa inta badan Dagaalada nuucaan oo kale ah ee jid galka ah waxa ay u dhigaan Ciidanka Itoobiya oo mararka qaarkood wadooyinka ku socda qaab Efenteri ah.