Soomalidu waxay noocyada kala duwan ee ganacsiga kusoo jireen muddo dheer oo la oran karo waa muddo uu qofku ku yeelan karo waayo aragnimo iyo khibrad ganacsi. Hadana waxaad moodaa in ilaa iyo hadda ay yaryihiin ganacsiyada guulaystay ee ay soomaalidu leedahay , si gaar ah marka loo fiirsho ganacsiyada gudaha wadankana waxaa haysta caqabado badan , kuwaasoo keenay dhibaatoyin culus oo dhinaca ganacsiga ah.
Waxyaabaha is hortaaga koritaanka ganacsiga iyo sharikaadku way faro badan yihiin, ganacsiyadduna way ku kala duwan yihiin u nuglanshaha caqabadahaas oo qaarkood ay sababaan labadaba Dhimasho iyo musalaf ganacsi , in kastoo ay soo wajahaan ganacsiga oo dhan, haddana sida la xaqiijiyay waxay aad ugu badan yihiin ganacsiga yaryar marka loo eego shirkadaha waaweyn ee loolanka ganacsiga taagta uhaya.
7dii-5 tii sano ee ugu dambaysay oo ay xoogaa fursado ganacsiyo ah wadanka ka abuurmayeen, ayaa waxaa dhanka kale aad usoo badanayay caqabadaha ay lakulmayaan dadka ganacsiga kucusub ama kudhex jira . Ganacsiga la isaga daydo oo ah in fikrad ganacsi oo uu qof abuuray uu qof ama dad kale ay kadaba keenaan suuqana ugu saaraan ayaana kamid ah waxyaabaha ay dadka hal abuurka ganacsi leh ay dhibaatooyinku kala kulmaan.
Tusaale ahaan dhawr sano kahor ayay aheyd markii ugu horreysay ee Muqdisho lagu arkay shirkad iibisa caanaha Geela. Balse mudo yar gudaheed waxaa suuqa lagu arkay shirkado badan oo wata magacyada iilis, Noolis, Noomaal, Ila Cab, Soomaal, iimaal iyo ereyo kale oo micno ahaan iskaba dhow , silamid ah mudo aan waqtigaas kafogayn waxaa suuqyada caasimadda soogalay mooto bajaajka ama tuktuk-ga oo shirkadii ugu horaysay ee keentay ay kadambeeyeen shirkado kale oo iyaguna markay dareemeen inay kujirto macaash ganacsi kadaba keenay.
Intaa kuma koobna ganacsiyada la isaga daydo oo qaar kamid ah waxayba kabaxeen suuqa, oo waxa musalafay ama burburay shirakadihii ganacsigaas marki hore bilaabay , waxaana kamid ah shirkadihii Tagsiyada oo markii hore ahaa hal abuur fiican balse kadib hoos udhac uu kuyimid maadaama ay isku bateen , guud ahaana waxyaabahani waxay hoos udhigayan rajada ah in la arko shirkado badan oo guulaystay waxayna saamayn taban kuyeelanayaan ganacsiga wadanka.
HALKAAN KA DHAGEYSO