XOG:- Xagee Kasoo Jeedaan Xildhibaanada Diidan Xukuumada Cusub?

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo ololihii ugu weynaa ee looga soo horjeedo ansixinta Golaha wasiirada ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxayna hadda xaaladda mareysaa meel aad u xun oo laga yaabo in dib loogu laabto wasiirada.

Haddaba waxaa ilaa hadda la hubaa inay 135 Xildhibaan si rasmi ah uga soo horjeesteen wasiirada la magacaabay, waxaana idiin heynaa xildhibaanada ugu badan ee kasoo horjeedo maamul Goboleedka ay kasoo jeedaan.

Sida xogta aan ku heleyno Maamulka Koonfur Galbeed ayey kasoo jeedaan Xldhibaanada ugu badan ee kasoo horjeedo ansixinta golaha wasiirada cusub, waxaana la sheegayaa inuu arrintaas ka dambeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo shariif Xasan Sheekh Aadan.

Jawaari ayaa la sheegay inay madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha u diideen in liiska wasiirada loogu daro Fargeeto oo uu la doonayey in laga dhigo wasiirka Maaliyadda ama Wsiirka Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa kusoo xigo Xildhibaanada kasoo jeedo Maamulka Puntland oo ah xildhibaano dhawr ah, waxaana ka go’an sidii loo ridi lahaa wasiirada cusub haddii la horkeeno Baarlamaanka.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aamin in gadoodkaan ay sameeyeen Xildhibaanada Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland ay ugu wacan tahay maadama ay qaadan waayeen in Beesha Hawiye la siiyo ilaa 6 Xildhibaan halka beelaha kale la siiyey 5 wasiir.

Waxay tilmaameyn inaan fasiraad dhab ah loo heyn sababta keentay in Beesha Hawiye la siiyo wasiir dheeri, taasina aysan macquul aheyn, waxayna ku baaqeyn xildhibaanadaas in wasiirada la waafajiyo habka 4.5 oo ay Soomaalida wax ku qeybsato hadda.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa go’aan cad oo ku aadan wasiirada uu soo magacaabay maadaama uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ugu baaqay inuu isbadal ku sameeyo, isagoo xusay inay soo gaareyn cabasho aad u badan oo ka timaaday Xildhibaanada Baarlamaanka.