XOG RASMI AH:- Masuul Caan ah oo hal sabab darteed Xilka looga qaadayo

0

Ansixinta Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub waxaa horey u baahinay in Masuuliyiin dhowr ah ay xilkooda weyn doonaa kuwaas oo ku bixi doona Sabab ah isbedelka Cusub iyo Kuwa ku baxaya Awood qeybsiga lagu soo dhisay Xukuumadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku xigeenadiisa, Taliyaasha Ciidamada Nabadsugidda,Booliska, Mileteriga iyo Abaanduulaha Ciidanka Xooga ayaa ka mid ah dadka Jagooyinkooda weyn doona Kadib ansixinta Xukuumadda iyo Masuuliyiin kale.

Hadda waxaa la ogaaday in sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir , Haatana ah Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Maxamed Ismaan Cali “Dhagaxtuur” oo xilkaas hayay muddo ka badan 5 sano laakiin hada waxaa la sheegayaa inuu xilkaas uu weyndoono.

Sababta Dhagaxtuur uu xilkaas ku weynayo ayaa la sheegayaa inay tahay maadaama ay isku Jufo yihiin Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale , oo ay kasoo wada jeedaan Beesha Harti Abgaal , Awbakar , waliba ay isla sii sheegtaan lafta Xasan Yaaquub.

Sawirka Hoose waa Agaasime Maxamed Ismaan Cali “Dhagaxtuur”