XOG:- Gudoomiye Jawaari Oo Horkacaya Xildhibaanadda Kasoo Horjeeda Golaha Wasiirada Cusub Ee Shalay Lagu Dhawaaqay…

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalaada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka sheegaya in uu jiro Kulamo xasaasi ah oo ay wada yeelanayaan Xubno ka tirsan Baarlamanka kuwaas oo doonaya in afka ciidda loo daro Xukuumada uu soo dhisay W/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Sababta ay Xildhibaanada qaar kood uga soo horjeesteen Xukuumada Shalay Lamagacaabay ay tahay in ay u arkaan mid aysan u sineyn beelaha Soomaaliyeed oo loobadiyey saamiga beelaha qaar.

Dooda ugu xiisaha badan ayaa ah sinaanta jagooyinka dawladda aan loo helin sifo sax ah, tas oo keentay in dood kulul ay noqoto oo ay jiraan wali mudanayaal doonaya in dib loogu laabto liiska magacaabida golaha Xukuumada Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhbaanada Beelaha Digil, Mirifle, Daaroodka qaar kamid ah iyo Xildhibaanada Direed ayaa ka soo horjeeda dhismaha hanaanka golahan cuusb, oo ay sheegeen in beelaha qaarkood loo badiyey.

Isku soo wada duuboo Guddoomiyaha Baarlamaanka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayeey xogtu sheegeysaa in uu qeyb ka yahay abaabulkan, maadaama beeshiisu ay heshay wasiiro ka yar kana tayo yar xubnaha beesha Hawiye ay ka heshay saamiga golaha Xukuumada Faderaalka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media