Haweeney ka mid ah Dadka Barakacayaasha ah ee dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa xalay Waddada dhexdeeda ku dhashay saddex Carruur ah oo mataano ah,2; wiil iyo gabar ayey dhashay waxaana ka dhintay labada Wiil.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Mako Xuseen Mukhtaar,ayaa waxaa xalay ku umushay Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaana hadda lagu hayaa Isbitaalka ku yaalla degaanka KM13.
Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay in Mako ay aad u dhiigbaxday islamarkaan lagu shubay hadda 1500 oo Dhiig ah,waxaan ay wali u baahan tahay dhiig kale.
Qof ka mid ah Dadka Haweeneydaas waddada ka qaaday oo lagu magacaabo C/Shakuur ayaa sheegay in Mako ay ku sugan tahay xaalad adag oo aan la qiyaasi karin.
Hoos ka Dhageyso Codka:-