Akhriso:- Masuuliyiin Sare iyo Kuwa Caan ah oo Xilalka Weyn doono ka dib ansixinta Xukuumada Cusub

0

Iyadoo shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub oo ka kooban xubno horay xilal u soo qabtay iyo wajiyo cusub ayaa waxaa soo baxaya saameyn durba ku yeesheen xubno xilal haya, maadaama ay isku heyb yihiin.

Soomaaliya oo ka jira nidaamka awood qeybsiga beelaha ayay hubanti tahay, in aad xilkaada ku weyso si fudud, hadii qof kugu heyb ah xil kale loo magacaabo.

Habkii lagu qeybiyay Golaha Wasiirada oo ahaa nidaamka awood qeybsiga qabiilada, ayay saameynta ugu weyn ku yeelan doontaa xubno hada xilal haya, hadii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo Golaha Wasiirada.

Xilalka dad badan hadal hayaan ee is bedelka ugu horeeya ku dhici doono, hadii Baarlamaanka ansixiyo Golaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ah xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Magaalada Muqdisho oo hada ku magacaaban Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Dad badan ayaa hadal haya in sababaha uu xilka ku weynayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay tahay, iyadoo shalay Golaha Wasiirada uu ka soo muuqday Eng. C/raxmaan Yariisow oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, kaasoo ay isku beel yihiin.

Xilka Gobolka Banaadir ayaa waxaa u ordaya shaqsiyaad dhowr ah oo durba galaan gal xooggan u galaya, waxaana xubnaha qaar ay aad ugu dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale xilalka ee is bedelka lagu sameynayo ayaa waxaa ka mid ah xilka Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow, maadaama awalba la ogaa in aanu sii joogeyn, waayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayay qaraabo hoose yihiin.

Is bedelada xilalka ayaa isugu jira mid awoob qeybsi iyo gor-gortan siyaasadeed oo Madaxda dowladda ay isaga fujin doonaan dhinacyada ay kala kulmaan culeysyada siyaasadeed

Halkan hoose ayaa idin ku soo gudbineynaa xilalka ay hubanti tahay in is bedel awood qeybsi ku baxaan:-

1) Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo kuxigeenadiisa

2) Taliyaha Hey’adda Nabadsugida

3) Taliyaha Booliska

4) Taliyaha Milatariga, Ku xigeenkiisa iyo Abaandulaha ciidanka xooga

5) Gudoomiyaha Maxkamada Sare

6) Gudoomiyaha Bankiga dhaxe

7) Maareyaha Dekeda & Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha,

8) Taliyaha Hugaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha,