TOP DHAGEYSO:- Maxay tahay Sababta ka dambeysa Dib u dhacyada ku imaanaya Magacaabista Golaha wasiirada

0

Dib u dhac  ayaa ku yimid magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya oo lagu waday in xalay lagu dhawaaqo.

Wariyeyaasha ayaa xalay laga wacay xarunta Madaxooyadda Soomaaliya ,iyadoona loo sheegay in la magacaabi doono Golaha Wasiirada , waxaana Goor dambe loo sheegay in dib dhac uu jiro ,islamarkaana loo baahday Wadatashiyo dheeraad ah.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in uu maanta ku dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Seeko ayaa sheegay in Sababta keenaysa in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uusan wali soo magacaabin Golaha Wasiirada in ay tahay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo doonaya in ay noqdaan Wasiiro.

HALKAAN KA DHAGEYSO