Taliyaha Ciidamada Booliska Gooblka Baay Mahad C/raxmaan Aadan ayaa waxa uu ka hadlay ammaanka guud ee Degaanada Koonfur Galbeed iyo Howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Degaanada Koonfur Galbeed.
General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidamada kala duwan ee Maamulka Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan Howlgallada ay ka wadaan Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Taliyaha ayaa warbaahinta uga digay in ay faafiyaan wararka been abuurka ah ee aysan ka soo xigan masuuliyiinta Koonfur Galbeed.
Waxa uu shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amniga, si looga hortago falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca Degaanada Koonfur Galbeed.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).
HALKAAN KA DHAGEYSO