Sacuudiga oo QM ugu baaqay in la baaro Soomaalidii lagu dilay Yemen

0

Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa Qaramada Midoobey ka dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu Sameeyo dhacdadii lagu dilay dadka Soomaaliyeed ee marayay xeebaha dalka Yemen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Isbaheysiga ayaa lagu sheegay in dilka dadkaasi ay tahay wax laga xumaado ,islamarkaana eedeynta ugu badan loo soo jeediyay Isbaheysiga Sacuudiga  ayna Qaramada Midoobey ka dalbadanayaan in ay baarayaal u dirto goobta ay wax ka dhaceyn.

“Waxaan ka warqabnaa in Weerarkaasi ay fulisay diyaarad  helicopter ah, islamarkaana eedeyn loo soo jeediyay Isbaheysiga marka waxaana Qaramada Midoobey ka codsaneynaa in ay baarto” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Isbaheysiga.

Warbaahinta Caalamka ah ayaa inta badan ku eedeynayay Isbaheysiga ay hogaamiso dowladda Sacuudiga in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay 42 qof oo Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa oo ka mid ah Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa si deg deg uga dalbaday dowladdaha Yemen iyo sidoo kale Sacuudiga in ay ka bixiyaan jawaab xasuuqii loo geystay Qaxootiga Soomaaliyeed.